DHAGEYSO: Xildhibaan Abuukaate oo ka hadlay Xil ka qaadistii M/weyne Cosoble

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee laga soo doortay degaanada Hirshabeelle oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee degaanada maamulka Hirshabeelle laga soo doortay ay soo dhoweeynayaan xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali C/llaahi Cosoble.

Waxaa uu sheegay in tilaabda ay qaadeen Xildhibaanadaasi ay tahay mid wanaagsan ,islamarkaana waafaqsan Dastuurka maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay waxqabad dhab ah,Maadaama dadka Shacabka ay heystaan dhibaatooyinka.

Waxaa uu sheegay in wax shaqo ah oo hadda ka socota degaanada maamulka Hirshabeelle in aysan jirin.

“46 Xildhibaanada iyo Senatarada Aqalka sare ee laga soo doortay Hirshabeelle 44 ka mid ah waxay taageersan yihiin xil ka qaadista Cali Cosoble, labada xildhibaan ee kalena waa kuwo dano iyo masaaliix ku qaba”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.