Hodan iyo Boondheere oo ku balansan Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku balansan Hodan iyo Boondheere oo Labaduba kuwada yaala gobolka Banaadir.

Waxaana Tartankan ka qeyb galaya 16 Degmo oo Labo kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA oo dalka keenta cabitaano dhadhankooda uu aad u sareeyo.

Tartamayaasha Degmooyinka Hodan iyo Boondheere oo aan goor dhow qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in taratnka galabta ay diyaar uyihiin si wanaagsan ay usoo diyaar garoobeen.

Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxa uu maanta gali doonaa maalinkii Sideedaad, iyadoo tartanka uu socon doono ilaa iyo gaba gabada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Tartanka ayaa waxa uu bilaaban doonaa Saacada marka ay tahay 03:45 daqiiqo Insha Allah.