Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in dad ka badan 21 kun oo qoys ay ku barakaceen Fatahaadaha ku dhuftay Magaalada Beledweyne.
Waxaa uu sheegay in dadkaan hadda ay ku sugan yihiin Duleedka Magaalada Beledweyne, islamarkaana ay u baahan yihiin in si deg deg ah loo caawiyo.
Cali Guudlaawe ayaa Walaac ka muujiyay Xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in aan loo kala harin.
Dhibaatadda dhacday ayuu sheegay Guudlaawe in ay ka weyn tahay in Hirshabeelle kaliyah ay wax qabato.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray Wafdi ka socda Safiiradda dalalka Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.
Safiirada Qatar iyo Turkiga ayaa ka mid ah Safiirada gaaray Beledweyne, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle.