Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo la wareegay deeq Dawo ah

Guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadda ayaa deeq daawo ah kala wareegay hay’ad ka shaqeysa arrimaha gagaarka oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Deeqdaan ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha looga tala galay dadka ku jira Xaaladdaha deg deg ah sidda Daawooyin.

Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Xamza Xasan Xamza ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay gurmadyo kala duwan ay kasoo gaareen Hay’addaha Caalamiga ah iyo dowladdo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in deeqdaan ay wax badan kusoo kordhin doonto Shacabka degaanada uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa qeyb ka qaadanaysaa gurmadka loo sameynaayo Shacabka ku dhibaateysan degaanada ay saameeyeen Fatahaadaha, waxaana sidoo kale socda gurmad ay waddaan qeybaha kala duwan ee bulshada.