Taliyaha Cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad ayaa gaarey Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,wafdiga taliyaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga dalka oo ugu horeeyo General Madoobe Madax howlgalinta ciidanka Xoogga dalka soomaaliyed.
Waxana garoonka Diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweyay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed qeybta 60-aad iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga Dalka iyo mas’uliyin kale oo ka tirsan Dowlad goboleedka KGS.
Soodhaweyn ka dib wafdiga aya waxaa loo soo galbiyay qeybta nasashada Garoonka halkaasi oo ay si wada jir ah warbaahinta ugula hadleen .
General Maxamed Sheekh Abdullahi Taliyaha Cusub ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed qeybta 60-aad ayaa ka mahadceliyay soodhaweynta wanaagsan loo sameeyay.
Gen Madoobe Madax Howlgalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo wafdiga hogaaminaayay ayaa sheegay in muqadas ay tahay in lala shaqeeyo taliyaha cusub ee ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad