Hindiya oo ka hadashay Badmaaxiintii Galmudug ay soo badbaadisay

India-RisaalaFM- Dowladda Hindiya ayaa waxa ay ka hadashay Howlgalkii Ciidanka Nabad sugidda Maamulka Galmudug ay ku soo badbaadiyeen 8 Badmaaxiin oo u dhashay dalka Hindiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya, Haweeneyda lagu magacaabo Sushma Swaraj ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay Howlgalkan lagu soo badbaadiyay Muwaadiniin dalkaasi u dhashay, kuwaasi oo lagu heestay xeebaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Sushma Swaraj ayaaa u mahadcelisay Dowladda Federaalka, Maamulka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay soo badbaadinta 8-da Badmaaxiin.

“Dareenkeyga ma qiyaasi karo, farxad ayaan dareemayaa, waxaan u mahad celinayaa Dowladda Federaalka, Maamulka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed oo naftooda u huray badbaadinta 8 ka mid ah muwaaddiniinta Hindiya oo gacanta ugu jiray Burcad Badeedda Soomaali ah” Ayay tiri Sushma Swaraj.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Nabad Suggida qaybta Galmudug ka hawlgasha ay ku guulaysteen inay soo furtaan Sideedan badmaaxiin oo u dhalatay dalka Hindiya, kuwaasi oo maalmihii dambe gacanta ugu jiray Burcad Badeeda Soomaalida ah.