Beelo Soomaaliyeed ayaa heshiis taariikhi ah waxa ay ku gaareen Magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud sidda ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo waxgaradka Balanbale.
Waxa ay kala qaateen magta 41 nin oo ay horay iskaga dileen , waxaana ay sheegeen in lasoo Afjaray colaad u dhaxeysay muddo ku dhow nus qarni.
Labada beelood ayaa ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya dhibaato kasta oo ka dhex dhacda ay la tiigsadaan diinta Islaamka, gaar ahaan dilka oo qofkii qof kale dila loo gacan galinayo reerkii uu wax ka dilay oo leh qisaastiisa.
Dad gaaraya illaa 41 nin oo labada beelood ay kala dileen ayaa lagu xisaabtamay, qoysaskii ay ka baxeene la siiyay xaqoodii.
Suldaan Cabdinaasir Xasan oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee heshiiska saxiixay, wuxuu yiri “Labadan beelood muddo dheer oo illaa qarni ah ayay dhibaatadan kasoo dhex jirtay, waxay colaadaha ka nasteen xiligii Maxamed Siyaad, markii ay meesha ka baxdayna bartii ayay kasii bilaabatay, balse hadda waan ka heshiinay”.
Sidoo kale Nabadoon Maxamed Daahir oo ka mid ah waxgaradka heshiiska gaaray ayaa yiri “hadda ka bacdi wixii dhaca, shareecada islaamka ayaan la tiigsanaynaa, wixii hadda ka hor dhacayna in dadkii laga sabarsiiyo”, wuxuuna intaas ku daray in ay suurtogal tahay in hubka laga dhigo dadka hubeysan, laguna wareejiyo dowladda.


