Hay’adda Amnesty oo war kasoo saartay dibadbaxyada ka socda Suudaan

Ha’yadda Amnesty International waxay sheegtay inay hayso warar lagu kalsoonaan karo oo sheegayo in laamaha ammaanka waddanka Suudaan ay toogteen 37 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo rabshada wata oo dalkaasi ka qarxay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Amnesty International waxa ay sheegtay in walaac xoogan ay ka qabto ku takri falka awoodeed ee dalka Suudaan, waxa ayna cambaareysay falalkii ugu dambeeyay oo ay sameeyeen laamaha amaanka dalkaasi.

Ururada shaqaalaha Suudaan waxay sheegeen in dibadbaxyo hor leh ay ka dhigi doonaan agagaarka aqalka madaxtooyada ee ku yaalla magaalada Khartuum iyagoona codsanaya inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir oo dalkaasi ka talinayay ku dhawaad 30 sanno ee ugu dambeeysay.