Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee la Hawlgala Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa xalay ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir.
Hay’adaha Amniga ayaa Magaalada Muqdisho Mudooyinkii dambe ka waday howlgallo culus oo ka dhan kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan.



