Maamulka iyo laamaha amniga degmada buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa taageeray hanaanka Dowladda Soomaaliya ay wax kuwado ee doorasho qof iyo cod ah.
Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in wadatashiyo kala duwan oo ay la yeesheen Bulshada kadib ay garaw sadeen inay taageeraan hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax ku wado ee ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Guddoomiyaha oo ay garab taagneeyeen Mas’uuliyiinta kale ee Maamulka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin hirgelinta inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cd ah, taas oo hadda qorshihiisa ay wado dowladda Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay Maamuladii degmooyinka Gobolka Gedo ee Jubbaland intooda badan ayaa waxaa ay ku biirayeen dowladda Soomaaliya, iyaga oo ku garab istaagayay hanaanka doorashooyinka qof iyo codk ah.




