Hawlagallo ka socda degaanno ka Tirsan Hirshabeelle

Ciidamada Xoogga dalka iikaashanaya Ciidamada Degaanka ayaa Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab ka wada degaano ka tirsan Hirshabeelle

Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Faarax Waasige Kooshin ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay gobolka Hiiraan Alshabaab lagu gaarsiiyay wax yeelo kala duwan .

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaanno badan oo hoos taga Aadan yabaal, Ceel Cali Axmed , Buq aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle, halkaas oo qasaare naf iyo maalba leh ay ku gaarsiiyeen  Alshabaab .

Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Faarax Kooshin ayaa shacabka ku nool deegaannada ay howlgallada ka socdaan ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka xoogga dalka, kaalintoodana ka qaataan dagaalka ka dhan ah Alshabaab.