Xarumaha Ganacsi ee ku yaalla Suuqa Bakaaraha oo la xiray

Xarumaha ganacsi ee ku yaalla gudaha suuqa weyn ee bakaaraha ayaa maanta Albaabada loo laabay , kaddib markii Ganacsatada ay cabasho ka muujiyeen sida ay sheegeen lacago canshuur oo xaddhaaf ah islamarkaana gabacsatada ay diideen in ay bixiyaan lacgtaasi.

Goobaha ganacsi iyo Bakhaarada  ku yaalla suuqa Bakaaraha ayay ganacsatada xireen, waxa ayna ganacsatada suuqa sameeyeen dibad bax ay uga cabanayaan suuqa iyo lacagaha canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

Qaar kamid ah ganacdatada  oo warbaahinta Risaala U warramay ayaa sheegay in ay bixiyaan canhuurtii ku waajibtay, waxa ayna xuseen in ay arkayaan dhallinyaro hubeysan oo wata qunfulo kuwaa oo lacago weydiinaya Ganacsatada  haddii aysan bixina goobahooda ganacsi ka xiraya.

Waxa ay sheegeen ganacsatada in aysan garaneyn halka ay ka socoto lacagtan cusub ee laga rabo, waxa ayna ugu baaqeen madaxda dowladda Soomaaliya in ay soo faragaliyaan ayna wax ka qabtaan cabashadooda  .