Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo Muqdisho la keenay

Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab uu  qabad siiyay ayaa la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo shalay eedeysanaha ka soo qabtay  deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa maanta diyaarad uga soo qaaday Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab  qabad siiyay jirkeeda.