Abwaan soo bandhigay buug uu ka qoray xaaladda Soomaliland oo la xiray

Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo soo bandhigay buug  uu  ka qoray xaaladda Somaliland iyo dhalliilo uu ka muujiyay  Maamulka Soomaaliland ayaa lagu xiray Xabsi ku yaala magaalada Hargeysa .

Abwaan Abees ayaa buugga  qoray ka dib markii uu xabsi kasoo baxay mar Maamulka Soomaliland uu xiray  dhowr sanno ka hor.

Buugga Mayal  ee abwaanka  uu  qoray oo la daabacay laba sanno ka hor ayaa muddadaasba u xannibnaa Maamulka Soomaaliland oo gacanta ku haysay ka dib markii ay qabatay daabacaadaha buugga oo garoonka diyaaradaha Hargeysa lagasoo dejinayo, dhawaan ayayse fasaxeen buugaasi.

Sidoo kale , sannado badan dalka dibaddiisa ugu maqnaa cabsi abwaan  Abees  m, balse dhawaan ayuu yimid  ka dib xaflada  uu buugga ku soo bandhigay la qabtay oo Xabsi loo taxaabay .