Haweeneydii Ninkeeda Gubay oo geeriyootay & Ehelkeeda oo weli cadaalad dalbanaya

Alle ha u Naxariistee waxaa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo aheyd Haweeneydii dhawaan uu Ninkeeda ku gubay gurigooda oo kuyaalla xaafadda dabakaayo madow degmada Dharkenleey ee Gobolkan Banaadir, taas oo ifka kaga tagtay Lix Caruur Agoon ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Luul xaaladeeda caafimaad waxaa lagla tacaalayay Gudaha Isbitaalka Digeer, hayeeshee la sheegay in dalka gudiisa aan wax looga qaban Karin, balse ugu dambeyn ay Maanta geeriyootay.

Cabdicasiis oo ah Aabaha Luul ayaa Risaala TV u xaqiijiyay geerideeda, isaga oo sheegay in weli aysan cadaalad helin Gabadhiisa, isaga oo ugu baaqay laamaha Amniga inay Ninkaasi gacnata kusoo dhigaan.

Tan iyo markii uu dhacay falka Gubitaanka Luul ayaa Eheladeeda waxaa ay dalbanayeen in gacanta lagu soo dhigo Ninka Gubay Gabadhooda, iyaga oo bannaanbax ka dhigay afaafka hore ee Isbitaalka Digfeer, balse aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax u qabatay.