Wajigii labaad ee shirka dib u hishiisinta beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalmay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Ceelbaraf iyo jalalaqsi ee Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe ayaa maanta ka socda degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan
Mas’uuliyiin oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle isla markaana ay wehliyaan wasiirada Maaliyada ,Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabelle iyo Gudoomiyaasha Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa wada dadaalo xal loogu gaarayo colaada soo laa laabatay ee ka taagan deeganadan isla markaana lagu guuleystay xabad joojin in lakala dhexdhigo labada beelood
Madaxda ayaa labada dhinac ee Odoyaasha dhaqanka ugu mahadceliyey sida ay ula shaqeeyen Maamulka iyo laamaha Amniga balantii xabad joojinta ay dhaqan galiyeen.
Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in Guulo laga gaaray dib u heshiisiinta labada beelood ee ku dagaalamay xadka Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe .



