Johan Cruyff ayaa ku dhintay da’da 68 jirka ka dib markii uu ku dhacay cudurka kansarka sambabada oo uu aad ula xanuunsanayay.
Halyeeyga reer Holland iyo Barcelona Cruyff – oo saddex jeer ku guleystay Ballon d’Or – waxaa la shegay inuu ahaa mid xanuunsanayay tan iyo bishii October.
Xiddigii hore ee Barca ayaa ahaa mid sigaar ad u cabi jiray dhowr sano laakiin xanuun sanbabada ah ayaa ku dhacay 1991.
Cruyff waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican waqtiga oo dhan isagoo ka caawiyay Ajax inay seddex koob oo isku xigta oo Yurub ah qadaan.
Wuxuu qayb ka mid ah aha xulkii 1974 Holland gaarsiyay finalka Koobka Adduunka markasoo Germany ay wajaheen.


