Halkee ayuu Brahim Diaz kasoo galay ciyaarista kubadda cagta ?

Xilligaas waxa uu ka shaqeyn jiray garoonka kooxda Malaga, waxaana xusid mudan in waqtigaas uu Malaga ka tirsanaa xiddigga Real Madrid hadda khadka dhexe kaga ciyaara ee Isco.

Diaz ayaa hadda Isco oo uu taageere u ahaan jiray, waxa ay koox wadaag ku noqdeen Real Madrid, oo si rasmi ah maanta usoo bandhigtay.

Muddo laga joogo laba sano ka hor, waxaa Diaz uu bartiisa Instagram-ka soo geliyay sawir uu dhooala-caddeynayo, waxaana markaas agtiisa ku dabaal dagayay Isco iyo Santi Cazorla.

“Waxaan jeclaa inaan noqdo ciyaaryahan xirfadle ah” ayuu yiri xiddiggii hore ee Manchester City.

19-jirkan ayaa qandaraas lix sano iyo bar ah u saxiixay Los Blancos, waxaana ay garoonka wada geli doonaan Isco oo uu kubbada usoo qaban jiray.