DAAWO: DFS oo joojisay tababar uu xisbiga CC Warsame ka waday Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar sii horesay waxa ay isku gadaameyan dhismaha mid kamid Hoteelada Muqdisho ku yaalla, halkaasi oo uu Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ku qaban rabay Tababar ku saabsan Siyaasada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi aad u dhaliila dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa falkaasi la isku hor taagay in uu qabsoomo tababarkaai ku micneeyay in uu yahay mid si gaar ah isaga iyo xisbigiisa loogu beegsanayo.

Sida Risaala wararka ku heleyso waxaa gudaha Hotelka u galay Ciidamo hubeysan oo maamulka Hotelka ku wargeliyay in la joojiyo gebi ahaanba tababarkaasi oo uu maalmahaanba halkaasi ka waday Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Qoraal uu Mr Cabdishakuur soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay is hortaagaasi maanta lagu sameeyay xisbigiisa wuxuuna u qornaa sidatani”Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir”.

Waxa uuna intaasi raaciyay “Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa cabburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday”.

Xiriiro kala duwan oo ay Idaacadda Risaala la sameysay laamaha ammaanka dowladda  Soomaaliya, si ay wax kaga weydiiso sababta ay u joojiyeen tababarkaasi, ayaanan suurta gelin.

Dhowr mar oo hore sidaan oo kale waxaa ciiidamada dowladda Soomaaliya ay is hor taageen, kullamo uu hotelada muqdishu ku lahaa Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.