Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul ku furatay sanadka cusub ee 2019, iyagoo xalay ka adkaaday kooxda Getafe.
Laba gool oo ka kala yimid Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa Barca saddexda dhibcood faraqa usoo gelisay.
Captain-ka Barcelona iyo Argentina ayaa dhaliyay 16 gool oo La Liga ah, halka Xiddigga Uruguay uu isna dhaliyay 12 gool.
Taasi waxa ay ka dhigantahay in isku dar ahaan ay dhaliyeen 28 gool, waxaana ay ka sarreeyaan Real Madrid oo dhalisay 26 gool.
Sidoo kale Atletico Madrid ayay ka goolal badan yihiin weeraryahannada Koonfur America kasoo jeeda, waxaana Los Rojiblancos ay ku goolal tahay Los Blancos.
Celta Vigo oo horyaalka ka dhalisay 28 gool ayaa la siman Suarez iyo Messi, waxaana ka sarreeya keliya Sevilla iyo Levante.



