Guus Hiddink oo sheegay inuu iska diiday shaqada Leicester City

Guus Hiddink ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday fursad uu macalin ugu noqon lahaa kooxda heysata horyaalka Premier League ee Leicester City xagaagii lasoo dhaafay.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea ayaa sheegay in uu ku dhawaaday shaqada kooxda ku ciyaarta King Power Stadium markii ay raadinayeen bedelka Nigel Pearson.

Laakiin macalinka Holland ayaa qasaariyay fursadaas , isagoo isha ku hayay shaqo taas ka weyn – kaliya Claudio Ranieri oo kooxda la wareegay sagaal bilood ka dib ayaa usahlay in ay hanato Horyaalka Ingiriiska.

Isagoo u hadlayay Wargeyska Dutch Telegraf, Hiddink ayaa yiri: “Waa run ah in Leicester i weydiisay xilli ciyaareedkii hore in aan diyaaar u ahay shaqo.

“Laakiin waxaan go’aansaday in aan qaato waqti nasasho ah, waxaan doonayay inaan sameeyo nasiino badan.”

Hiddink ayaa go’aansaday in xirfadiisa tababarenimo euu kusoo laabto bishii December ee la soo dhaafay isagoo ka caawiyay kooxdiisii hore ee Chelsea oo dhibaatooyinka kujirtay inuu u bedelo ninka la ceyriyay ee Jose Mourinho.