Gudoomiye Madaale oo ka Faalo qaaday nolosha Caruurta Marxuumad Luul Cabdicasiis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Amniga & Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa Tacsi ugu tagay Qoyska Marxuumad Luul Sheekh Cabdi oo u geeriyootay fal arxan darro oo uu ku gubay seygii qabay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kafaalad qaaday Nolosha Caruurta Agoonta ah oo ay ka geeriyootay Marxuumada. Asigoona sheegay in Laamaha Amniga ay ku raad joogaan Danbiilaha Baxsadka ah, isla markaana ay qoyska cadaalad heli doonaan.