Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin Xaaskiisa si naxariis darro dil ugu geystay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose .
Wararka ayaa sheegaya Ninka dilay Xaaskiisa u adeegsaday mindi uu kaga dhuftay qaybaha sare ee Jirkeeda.
Ciidamada Amniga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in gacanta ay ku soo dhigen ninkaan dilka u geystay Xaaskiisa, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkaan uu Xaaskiisa ugu dilo Tooreeyda si arxan daro ah.
Ragga dilalka u geysta Xaasaskooda ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayayay Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka .



