Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Nin dilay Xaaskiisa oo la soo qabtay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  Nin Xaaskiisa si naxariis darro dil ugu geystay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose .

Wararka ayaa sheegaya Ninka  dilay Xaaskiisa u adeegsaday  mindi uu kaga dhuftay qaybaha sare ee Jirkeeda.

Ciidamada Amniga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in gacanta ay ku soo dhigen ninkaan dilka u geystay Xaaskiisa, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkaan uu Xaaskiisa ugu dilo Tooreeyda si arxan daro ah.

Ragga dilalka u geysta Xaasaskooda ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayayay Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka .

Exit mobile version