Gudoomiyeyaal KMG ah oo loo magacaabay xildhibaanada Labada Aqal

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa dhaarintoodii maanta kadib waxa ay doorteen Gudoomiyeyaal KMG ah oo matala Labada Aqal ee Xildhibaanada.

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa iska soo dhex xulay Labada xildhibaan ee ugu da’da weyn, kuwaas oo si KMG ah u ahaan doono Gudoomiyeyaal, sidoo kalena shir gudoomin doona kulamada xildhibaanada ilaa ay ka doortaan Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Laba Gabdhood oo ka tirsan Baarlamaanka oo ah kuwa ugu da’da yar waxa ay u doorteen in ay caawiyaan Gudoomiyeyaasha KMG ah.

Maxamed Xuseen Raage ayaa loo doortay shir Gudoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare, halka sidoo kalena Cusmaan Cilmi Boqore loo doortay shir Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka.