Muqdisho-RisaalaFM- Maanta Magaalada Muqdisho wadooyinka ugu muhiimsan waxa ay yihiin, ilaa hada kuwo xiran, waxaana arintaasi ay saameen ku yeelatay isu socodka Dadka, Gaadiidka iyo dhaq dhaqaaqa Ganacsiga.
Shacabka Magaalada Muqdisho qaarkood oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen in ay dhibaato ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka.
Waxaana ay tilmaameen Baarlamaan iminkaba dhaarintiisii bulshada ay dhibaato kala kulantay, waxa ay ka suagayaan in ay tahay mid aan wanaagsaneyn.
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay xildhibaanada cusub ee Labada Aqal, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 283 xildhibaan.


