DHAGEYSO: Ciidamo loo diray Duleedka Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada Dalka ka jir ayaa waxa uu Ciidamo dheeraad ah u diray Degaano Duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha guud ee Ciidanka Maamulka Aadan koojaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Ciidamo dheeraad ah in ay  u direen Degaano Duleedka ka ah Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Waxa uu sheegay Ciidankan ay u direen halkaasi in ay la dagaalami doonaan Shabaab oo maalmihii u dambeeyay la sheegay in Dad Degaanka ah ay dhibaateynayeen.

Sidoo kale Aadan koojaar Taliyaha guud ee Ciidanka Maamulka ayaa waxa uu sheegay Ciidanka Jubbaland in ay diyaar u yihiin sidi ay u difaaci lahaayeen shacabka.

Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose shalay waxaa ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kaas oo u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan iyo Dad Degaanka ah.