DHAGEYSO: Shabaab oo rasaaseeyay Gaari Qaad siday

Baay-RisaalaFM- Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay wadada ugaleen Gaari siday Qaad, kaas oo ka soo baxay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Degmada Bardaale Weedow Cali Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Shabaab in ay rasaaseeyeen Gaari Qaad siday, kadibna ay ku gubeen inta u dhaxeysa Degmada Bardaale iyo Magaalada Baydhabo.

Weedow Cali Xasan Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay dadkii saarnaa Gaariga in ay u soo gurmadeen, sidoo kalena ay badbaadiyeen.

Waxa u sheegay Gudoomiyaha Degmada Bardaale Shabaab in ay yihiin cadowga shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la iska difaaco.