Sagaal iyo labaatan askari oo ka tirsan booliiska Turkiga ayay maxkamadayn uga billaatay xabsi dhexdii iyaga oo ku eedaysan in ay rabeen in ay dawladda inqilaabaan intii uu socday afgambigii dhicisoobay ee bishii July.
Waa maxkamadayntii u horaysay ee ka dhacda magaalada Istanbul tan iyo markii uu dhicisoobay inqilaabkaasi.
Maxkamadaynta oo afar maalmood socon doonta ayaa billaabatay Talaadodan iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka xabsiga Silivri jail oo ku yaalla duleedka magaalada Istanbul.
Kaw iyo labaatan ka mid ah 29-ka askari ee booliiska ah waxay mutaysan doonaan xabsi daa’in haddii lagu helo eedaymaha loo haysto ee ah in ay qayb ka ahaayeen afgambigii dhicisoobay.
Dhamaantood waxaa lagu eedeeyay in ay taabacsan yihiin Fetullah Gulen iyo in ay diideen in ay awaamiirta qaataan si ay u difaacaan madaxwaynaha.
Sideed ka mid ah ayaase loo haystaa eedaymo intaas ka sahlan.


