Hector Bellerin oo doortay saaxiibka ugu fiican ee uu ku leeyahay kooxda Arsenal

Xidiga daafaca midig uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa u magacaabay Nacho Monreal inuu yahay saaxiibka ugu fiican ee uu ku leeyahay Gunneres, isagoona sheegay inuu wax badan ka caawiyay inuu noqodo hadda mid kamida daafacyada midi ee ugu fiican aduunyada.

Ciyaaryahankan oo 21-sano jir ah ayaa boos joogta ah ka heesta Arsene Wenger, iyadoona xidigii hore ee Malaga Nacho Monreal iyo Hector Bellerin ay qeyb muhiim ah ka yihiin safka koowaad ee kooxda Arsenal.

Bellerin ayaana sidoo kale xusay in tan iyo marklii uu kusoo biiray kooxda koowaad uu talooyin badan uu ka helay 30-jirkan ay isku kooxd yihiin ee Monreal.

“waxa uu isiiyay talooyin badan, dabcan waxaan ku wada xiriirnaa xitaa garoonka banaankiisa, waana saaxiibka aan ku leeyahay kooxda” ayuu  sheegay mar uu u waramayay wargeyska TheSUN  ee Ingiriiska kasoo baxa.