Saido Berahino oo mar kale lala xiriirinayo inuu ka tagayo kooxdiisa West Brom

kooxda Everton ayaa isku dayi doona suuragalnimada ah inay kooxda West Brom ay kasoo qaadato xidiga weerar kaga ciyaara ee  Saido Berahino, sida aynu kasoo xiganay Daily Mail.

23-sano jirkan ayaa qandaraaskiisa dhamaanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoona macalinka kooxda West Brom uu doonayo inuu iska iibiyo Berahino halkii uu ku lumi lahaa beeca xorta ah.

Saido Berahino ayaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore, waxaana xilligaas saxiixiisa xiiseynayay kooxaha waa weyn ee Horyaalka Ingiriiska.

laakiin Ronald Koeman tababaraha Evertoon ayaa hadda doonaya inuu ciyaaryahankan uu ku xoojiyo weerarka kooxdiisa oo hadda kali ku ah Romelu Lukaku.

Waxa uuna u arkaa in ciyaaryahankan dhalinyarada ah ee qaranka England uu yahay mid kordhin kara awooda weerar ee kooxdiisa Toffees.