Klopp oo u ogolaaday mid kamida xidigihiisa inuu si amaah ah uga tago kooxda

Liverpool ayaa u fasaxday kooxda Serie A ee Inter Milan inay si amaah ku qaadato xidigeeda Khadka dhexe ee Lucas Leiva bisha January marka uu suuqa kala iibsiga dib u furmo, sida uu qorayo wargeyska The Guardian.

29-sano jirkan heerka caalami ee xulka Brazil ayaan hadda boos joogta ah ka heysan kooxda  Jurgen Klopp xilli ciyaareedkan waxaana kaga horeeya doorashada garoonka Henderson, Lallana, Can, iyo Wijnaldom, waxaana u furan inuu ka dhaqaaqo garooonka Anfield oo uu mudo fog ku sugan yahay, isagoo si amaah ah ku baxaya.

Inter ayaana ka fiirsaneysa doorashada ah inay qaadato inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ciyaaryahankan, iyadoona Nerazzurri ayaa haatan isha ku heysa xidiga Marseille ee Lassana Diarra iyo ciyaaryahanka Chelsea khadka dhexe kaga ciyaara ee John Obi Mikel inay usoo dhaqaajiso horyaalka dhibaatada badan ee Serie A.