Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya xilligii Carte Axmed Abroone Amiin ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Sida ay Risaala u xaqiijiyeen ehelada Marxuumka waxaa kusoo booday xanuun deg deg ah.
Xalay Saacaddu Markay aheyd 3:00 habeenimo ayuu geeriyooday Alle ha u naxariistee Axmed Abroone Amiin.
Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Baarlamaanka ayaa maanta waxaa lagu waddaa in Aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.


