Gudoomiyaha cusub ee Gaalkacyo oo la doortay

Waxaa goordhow magaalada Gaalkacyo qeyta Puntland  kusoo gaba gaboobay  doorashada duqa magaalada Gaalkacyo sidoo kale ku xigeenadiisa.

Xildhibaanada Golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa Maxamuud Yaasiin Tumeey u doortay duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo horay si KMG ah xilka u hayay.

Sidoo kale xildhibaanada golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa Farxaan Cabdi Gafaa u doortay gudoomiye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo.