Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shir kaga qeyb galayaTurkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare , Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi, oo ka kooban Labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray Dalka Turkiga, iyagoo halkaasi uga qayb galaya shirka Baarlamaannada Adduunka oo halkaasi ka dhacaya.

Guddoomiye, Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay, xubno ka tirsan Baarlamanka Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdigan ayaa inta ay ku sugan yihiin Dalka Turkiga waxay halkaasi kulamo gaar ah kula qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka Adduunka, iyo qaar ka mid ah Madaxda Dalka Turkiga.