Arsenal Macalinkeeda Emry oo shaaca ka qaaday in ciyaariyahan Muhiim ah uu ka maqnaandoono kulanka Axada ay ka ciyaari doonaan Southamton.

Arsenal ayaa bandhig heer sare ah ku jiratay Bilihii la soo dhaafay iyadoo aysan wax guuldaro ah ku dhicin 21-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaareen.

Waxa ay qeyb ka yihiin kooxaha u soo baxay tartanka Uefa Europe league wareegiisa 32-da waxayna sugayaan isku aadka tartankaas la sameenaayo iyo kooxda ay ku aadaan isniinta.

Kahor kulan ay la leeyihiin Southamton Axada macalin Unia Emry ayaa saxaafada la wadaagay in konscielny uu ka maqnaan doono ciyaartaas.

Kabtanka kooxda Arsena Konscienly ayaa mudo dheer dhaawac kaga maqnaa isagoo aan hal kulan oo horyaalka ah xitaa aan  u ciyaarin kooxdiisa xilli xiyaareedkaan.

“Maanta waa marxalad kale oo ku saabsan Konscinly, waxan u baahanay in aan eegno sabtida iyo sida uu noqdo balse uma muuqda mid ciyaari kara” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Emry.

” waxaa uu soo kabanayaa waana ay inoo wanaagsan tahay midaas, shaqsi walba iyo tageera walba oo Arsenal ka tirsan waa kuu farxay arinkaan” ayuu saxaafada la wadaagay Emry mar uu ka hadlaaye shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka Southamton.