Guddoomiye Tuulax oo kormeer shaqo ku tagey 4 Degmo

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiye ku xigeeka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay 4-ta degmo ee Qeyta Waliyow Cadde ee Gobolka Benaadir, waxaana halkaas uu kulan kula qaatay madax maamulka Degmooyinka ,Shirarka ayaana looga hadlayay xaaladda amni, diriseynta iyo baahiyaha adeegyada aas-aasiga ah degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Xamar Jajab iyo Waaberi.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa u balan qaaday xubnaha shirka ka qeyb galay in maamulka Gobolka Benaadir uu wax weyn ka qaban doono caqabadaha ay soo gudbiyeen.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa waxaa uu booqasho ku tagay dhammaan Xarumaha Degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Xamar Jajab, iyo Waabari, waxaana uu ka Xog-wareystay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiisyadda Hanaanka Shaqada Degmooyinka, gaar ahaan amniga iyo dariseynta, isagoo ku booriyay in ay sii laba jibaaraan howlaha ay bulshada u hayaan.

Mudane Tuulax ayaa intii uu kormeerkiisa ku gudaha jiray wuxuu dhiiragelin u sameeyey dhalinyarada degmooyinka, waxuna ugu baaqay kaalin mugleh in ay ka geystaan is-dhexgalka iyo isu soo dhaweynta bulshada, si loo helo dad isku duuban oo ka fekeraya danaha deegaankooda.