Guddoomiye Muudey “Jawaari xilligan kuma hadli karo magaca Golaha Shacabka”

Abdiwali Sheikh Ibrahim Mudey, addresses House of the People and journalists after he was declared winner in the race for the First Deputy of the Speaker of the House of the People of the Federal Parliament in Mogadishu, Somalia on January 12, 2017. UN Photo / Omar Abdisalan

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo xalay war  saxaafadeed soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada hada jirta iyo waxa soo socda ee Goluhu uu doonayo inuu sameeyo, wuxuuna war-saxaafadeedkiisa ka koobnaa ilaa Saddex qodob.

Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah.

Guddoomiye Muudey ayaa sidoo kale sheegay Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka in loo codeynayo 10 cisho oo maalin shaqo ah, laga bilaabo Taariikhda Mooshinka la keenay, sidaasi darteedna Mooshinka Golaha la horkeeni doono 31-ka bishan March 2018.

Wuxuu kaloo Guddoomiye ku xigeenku sheegay in Guddiga joogtada Golaha Shacabka in howlaha Baarlamaanka ay sii wadi karaan Ajenadaha soo socdana dejin karaan, marka xildhibaanada Golaha Shacabka ay safax ku jiraan, balse marka Baarlamaanka uu furan yahay aysan laheyn cod.

Sidoo kale Guddoomiye Muudey ayaa sheegay Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay inaanu ku hadli karin magaca Golaha Shacabka, inta arrinta laga gaarayo go’aan.