Gonzalo Higuain oo doortay koox ka dhisan England in uu ku biiro

Gonzalo Higuain ayaa xiiseynaya inuu ku biiro kooxda Liverpool, sida uu sheegay wargeyska lagu magcaabo Daily Mirror.

Weeraryahanka ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah, oo uu ku qaatay kooxda Napoli, isagoo dhaliyay 36 gool 35 kulan oo horyaalka kasoo muuqday.

wuxuu doonayaa inuu ka tago Talyaaniga xagaagan, iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha waweyn ee qaarada Yurub.

28-sano jirkaan ayaa la fahamsan yahay inuu diirada u saaran yahay Manchester United, iyadoo Jose Mourinho la sheegay in dhawaan wadahadalo la yeeshay ciyaaryahanka walaalkiis ahna wakiilkiisa Nicola.

Arsenal, Manchester United, Chelsea , PSg iyo Baayern Munich ayaa xiiso uqaba weeraryahankaan, lakiin hadda waxay umuuqataa inuu kusii socdo wadadii uu ugu biiri lahaa kooxda Liverpool.