Gareth Bale ayaa beeniyay cabsi badan inuu ka qabo taam ahaanshihiisa Euro 2016 ,sxili uu u dabaaal degayay guushii Real Madrid ee finalka Champions League.
Xiddiga reer Welsh ayaa walaac laga muujiyay xaaladiisa markii uu ubaahday daweyn intii lagu jiray waqtigii dheeraad ahaa ee ciyaaartii Atletico.
Laakiin wuxuu yiri markii wax laga weydiiy arimahaan: “Waxa ay aheyd kaliya wax yar oo xanuun ah, waxaan caadi ahaa dhamaadka ciyaarta daal badan ayaan kaliya dareemay.
“Waxaa jira afar ama shan maalmood nasiino ah oo aan heli dono ka hor Euros iyo taam ahaansho arsmi ah in aan helo ,Waxaan dareemayaa inaan shaqo fiican qabanay xili ciyaareedkaan oo aan ku guuleysanay Champions League.


