Dalka Senegal, maanta, maxkamad gaar ah oo Midowfa Afrika uu taageera ayaa waxaa la filayaa in ay go’aan ka gaarto dacwad ka dhan ah hoggaamiyihii hore ee dalka Chad, Hissene Habre, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah aadanaha, jirdil iyo dambiyo dagaal.
Dacwad oogaha maxkamadda ayaa dalbanaya in Habre xabsi daa’in lagu xukumo, taa oo uu ku mutaysanayo dambiyo la sheegay in ay gaysteen ciidamo boolis ah oo gaar ah, muddadii uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanaddadii 1982 iyo 1990.
Kaddib 25 sano oo ay dadka dhibanayaasha ah u ol oleynayaan in Mr Habre cadaaladda la horkeeno ayaa intooda badan waxa ay rajaynayaan in maxkamadan gaarka ah ay soo afjari doonto tobanaan sano oo uu haystay xasaanad.
Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Afrikaan ah lagu maxkamadeynayo dal Afrikaan ah, isagoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin jirdil, kuwa dagaal iyo kuwa ka dhan ah bini’aadannimada.


