Garoonka Diraadaha Muqdisho oo lagu qabtay Diyaarad siday Raashiin Dhacay

Muqdisho-RisaalaM- Wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Diyaarad la sheegay in ay siday raashiin dhacay.

Diyaarada sida Raashin dhacay ama xiligiisii isticmaalka dhaafay ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaan Raashinka ay u siday degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Diyaaradan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay leedahay Hay’ada WFB.

General Gaafow oo Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Diyaaradan ay qabteen baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono.