Waxaa maalintii Saddexaad xiran Suuqa Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.
Xirnaanshaha Suuuqa ayaa yimid ka dib markii ganacsatadu ay cabasho ka muujiyeen, canshuur dheeriya oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Ganacsatada Gaalkacyo, ayaa ka cabanayaa canshuurta iibka, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyaddu kaga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, haddana ay bilowday in ay mid labaad ka qaaddo xarumahooda ganacsiga ee ku yaalla magaalada.
Goobaha Ganacsiga ayaa la xiray maalintii khamiista aheyd.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland, weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada Gaalkacyo ee la xiriirta Canshuurta lagu kordhiyay.



