Ganacsade caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Maamulihii Shirkada Somtel ee gobalka Mudug Eng Cumar Dheere ayaa maqribkii lagu toogtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta ee gobolka Mudug.

Eng Cumar Dheerre ayaa la xaqiijiyey in ay rag hubeysan ku dileen Masaajidka, isagoo ka soo baxay Salaadii Maqrib, waxaana baxsaday Maleeshiyadii ka dambeysay dilkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Rag Bastoolado wata ay Marxuunka ku dileen Agagaarka Masaajidka Salaama ee Magaalada Gaalkacyo.

Alle ha u naxariistee Eng. Cumar dheere waxaa uu isku hayey masuuliyado kala duwan waxaana ka mid ahaa, Guddoomiyaha Guddiga ganacsatada ee gobolka mudug, Guddoomiyaha guddiga dhismaha wadada wadaagsin, guddoomiye ku xigeenka guddiga sanduukha horumarinta gobolka Mudug, iyo xubin ka mid ah masuuliyiinta shirkadda isgaarsiinta Somtel ee gobolka mudug.

Eng Cumar Dheerre ayaa ka mid ahaa waxgaradka gobolka Mudug,waxaana lagu xasuustaa in uu ka qeyb qaatay nabadeedna gobolka Mudug.