Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan galisay degaanka Dhagtuur ee koofurta Mudug, ka dib markii shalay siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah.
Masuuliyiin isugu jira Maamulka Gobolka Mudug Xildhibaano ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliiska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay daminta Xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay Baajinta inaan dhib kale dhicin.
Dhinacyada oo maantay ku kulmay duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray in xiisadda la damiyo isla markaana maalinta Berri ah ayay u baleen shir weyne ka dhici doona degaanka ay shaqaaqadu ka dhacday kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii dhacday.



