Gabadhii u doonayd Jamaal Kaashogji oo ku gacan seertay casuumaad uu u fidiyay Trump

Gabadhii u doonayd weriyaha Sacuudiga u dhashay ee la dilay Jamaal Kaashogji ayaa sheegtay inay diiday casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah inay booqasho ku tegto aqalka cad ee looga arrimiyo dalkaasi.

Hatice Cengiz ayaa ku eedeysay Mareykanka in uusan daacad ka ahayn baaritaanada dilka ninka ay isguursan rabeen.

Gabadhan oo ilimaynaysay ayaa kasoo muuqatay wareysi telefishinka Turkiga uu la yeeshay,waxayna ka hadashay sida uu dareenkeeda ahaa maalinkii ay waaysay Jamaal Khaashogji isla markaasna waxay sheegtay haddii ay ogaan lahayd in Sucuudiga ay doonayaan inay dilayaan Jamaal aysan u ogolaanin inuu galo qunsuliyadda.

“Waxaan codsanaya in dhammaan dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Kaashogji la ciqaabo, maxkamadda la horkeeno” ayay tiri Hatice Cengiz.

Hatice Cengiz waxay sidoo kale sheegtay in saraakiisha Sucuudiga aysan lasoo xiriirin ila hadda balse aysan tegin doonin Sucuudiga si ay uga qayb gasho aaska Kaashogji inta laga helayo maydkiisa.

Kaashogji ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Turkiga saddex toddobaad ka hor.

Xukuumadda Riyaadh waxay beenisay in qoyska boqortooyada ay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal.