Gaas oo loogu baaqay in uu faraha kala baxo Dastuurka Puntland

Muqdisho-RisaalaFM- Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Cirro)  oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland looga baahan yahay in uu faraha kala baxo Dastuurka Puntland.

Daahir Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka maamulka Puntland ay xaq u leeyihiin Dastuurka Puntland iney wax ka badalaan.

Waxa uu Madaxweynaha Puntland ugu baaqay in uu faraha kala baxo Dastuurka Maamulka Puntland islamarkaana aysan macquul ahayn in lagu xad gudbo Dastuurka iyo sharciyada kale ee Puntland.

Qaar ka mid ah beelaha dega Puntland iyo Siyaasiyiinta degaanadaasi ka soo jeeda ayaa Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in uu fara gelin ku hayo Dastuurka islamarkaana uu doonayo in uu wax ka badal ku sameeyo.