Gaalkacyo-RisaalaFM- Xirsi Yuusuf Barre Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qeybta maamulka Galmudug oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay soo bateen kooxaha burcada ah ee habeenkii la baxa nalalka Soolarada ah ee ku xiran wadooyinka.
Wuxuu sheegay Duqa magaalada Gaalkacyo in lala baxay Soolaro badan oo wadooyinka ku xirnaa, balse hada Ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan kooxdii burcada aheyd ee falkaas ka dambeysay.
“Waa arin cusub oo dhibaatadeeda leh in lala baxo nalalki Soolarada ahaa, dadweynaha waxaan u sheegayaa Soolarada danguud weeye, adinkaa iska leh, waxay masuuliyad ka saaran tahay qof walba, gaar ahaan qofka uu u dhow yahay” Ayuu yiri Xirsi Yuusuf.
Nalalka Soolarada ah ee ku xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa qeyb weyn ka qaata bilicda magaalada, shacabka ayaana horey u soo dhaweeyay in la naleeyo magaalada.


