DHAGEYSO: Gaadiid badan oo ku xaniban Koontaroolka Magaalada Garowe

Gaadiid fara badan ayaa ku xaniban Koontaroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasi oo xalay ay la wareegeen ciidan ka gadoodsan mushaar la’aan.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee la wareegay gacan ku haynta Koontaroolkaasi, ayaa u diiday gaadiidka inay galaan Magaalada Garowe, waxayna u sheegeen gaadiidleyda inaysan dhaafi karin Koontaroolka.

Qaar ka tirsan darawalada loo diiday inay galaan Magaalada Garowe, ayaa Warbaahinta u sheegay ciidamada inay diideen gelitaanka Magaalada iyo sidoo kale in laga baxo.

Baabuurtaan ku xaniban Koontaroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa ah gaadiid badan, kuwaasi oo si maalinle ah u geli jiray Magaalada sidoo kalena uga bixi jiray.

Puntland illaa hadda kama aysan hadlin ciidamadan Daraawiishta ka tirsan ee la wareegay gacan ku haynta Koontaroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe.

Warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Cali Siyaad.