DHAGEYSO: Khasaare ka dhashay Dabkii ka kacay Siigaale

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dab ka kacay Guri ku yaalla xaafada Siigaale ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare Hantiyadeed, sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka.

Dabkan ayaa ku bilowday Koronto, waxaana uu baabi’biyay guud ahaan Guriga dhismaha uu ka koobnaa, iyada oo ay jiraan khasaare hantiyadeed sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka.

Ayuub Maxamed Axmed (Fantastic) Wariye Madax banaan oo goobtaasi ku sugan ayaa Risaala u sheegay Wiil yar oo ka tirsan reerka Guriga in marka hore uu daaray TV yaallay Guriga, kadibna ay bilaabatay Maanso ka dhalatay Korontada oo markii horeba ciladeysneyd, sidaasina uu Dabkii ku kacay.

Dadka Degaanka ayaa biloway gurmad ay ku daminayaan Dabka ka kacay Gurigaasi, inkastoo markii dambe ay goobta soo gaareen Gaadiidka Dab damiska ah, oo ay ku guuleysteen in ay damiyaan Dabka.

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Mudane Axmed iyo Mas’uuliyiin kale oo Gobolka ka tirsan ayaa goobta gaaray, si ay u soo arkaan Dabka halkaasi ka kacay.